408 Views

War deg deg: baarlamaanka oo buuq kadib ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya

War deg deg: baarlamaanka  oo buuq kadib ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyey xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyey afhayeenka golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe|) oo ay haereero fadhiyeen labadiisa ku xigeen.

Inta uusan bilaaban kulanka waxaa buuq sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, balse taas oo keentay inay baaqato hadal jeedin uu saameyn lahaa ra’iisul wasaaraha,.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah u qaaday meel-marinta xukuumadda cusub, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyey in ka badan 200 oo xildhibaan, halka ay diiden xildhibaan 7 , sidoo kale waxaa ka aamusay 1 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa ka kooban illaa 26 wasiir, ku xigeeno iyo wasiir dowleyaal, waxaana ka mid ah xubnaha la magacaabay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo loo magacaabay wasiirka Diinta iyo Awqaafta, taas oo dhalisay hadal heyn aad u xoogan.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay walaacii laga qabay in ay diidmo ka keenaan dhismaha xukuumadda qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka, taas oo maalmihii dambe aad usoo shaac baxaysay, kadib markii siyaasyiinta qaar ay dhaliileen qaabka uu wax usoo dhisay ra’iisul wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib markii doorashadii 15-kii ee uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad doortay xilka madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post