1389 Views

Maydka Cali Mahdi oo Goor dhawayd laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho Sawiro

Maydka Cali Mahdi oo Goor dhawayd laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho Sawiro
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho Qol  March 12  2021

Waxaa goor dhawayd  Garoonka magaalada Muqdisho laga soo Dajiyay Maydka Marxuum Cali Mahdi oo habeen hore ku Geeriyooday magaalada Nairobi

Garoonka Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagula dukado salaada janaasada waxaana lagu aasi doona Degmada shibis halkaas oo uu ka dardaarmay intii uusan dhiman in lagu duugo.

Sidoo kale masajid wayn oo uu halkaas ka dhisay ayaa lagu wadaa in lagu aaso agtiisa oo uu ka dardaarmay.

Madaxda Dowlada Somaliya iyo mucaaradka iyo dadweyne kale oo aad u badan ayaa halkaas ku sugan. Waxaana laga dareemayaa garoonka Muqdisho Saxmad aad u badan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post