375 Views

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya e Maxamed Barre Maxamuud oo kulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya e Maxamed Barre Maxamuud oo  kulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 17, 2022

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan si ay uga tashadaan dib u hawl-gelinta kooxdan oo hoos imaan jirtay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Kooxdan dhallinyarada fannaaniinta ah iyo abwaankooda Xirsi Dhuux oo haddaba qayb ka ah wacyigelinta bulshada ayaa ku hawlgalayay magaca Hiddo waxaana hadda qorshuhu yahay in ay qaataan magacii rasmiga ahaa ee Danan.

Wasiirka, ayaa kooxda uga waramay qorshaha Wasaaradda ee jiheynta dhallinyarada Soomaaliyeed oo wacyigelintu qeybta ugu muhiimsan tahay, wuxuuna kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan dadaalka ay Wasaaraddu wado.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa wada qorshe la doonayo in lagu kobciyo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed si looga wacyi-geliyo argagixisnimada, danbiyada abaabulan ee ciyaalka xaafaduhu ku kacaan, tahriibka iyo wixii la halmaala.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post