528 Views

TPLF oo sheegtay labadi maalmood ee u dambeeyey iney dagaal la galeen ciidamada Eritrea.

TPLF oo  sheegtay labadi maalmood ee u dambeeyey iney dagaal la galeen ciidamada Eritrea.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 31, 202

TPLF ayaa sheegtay labadi maalmood ee u dambeeyey iney dagaal la galeen ciidamada Eritrea.

Afhayeenka TPLG Getachew Reda bartiisa Twitterka wuxuu ku qoray iney labada dhinac ay ku dagaallameen jiidda hore ee Shiraaro.

Wuxuuna intaa ku daray dagaalka iney soo qaadeen ciidamada Eritrea ayna ku dileen tiro ka mid ah ciidamada Eritrea.

Afhayeenka Dowladda Itoobiya Leggese Tulu oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu xaqiijin Karin dagaalka ay TPLF sheegtay.

Leeges waxaa kale oo uu sheegay iney jirin sabab ay ciidamada Eritrea dagaal ugu soo qaadaan fallaagada TPLF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post