321 Views

Qasaaraha ka dhasahay Dagaal dhexmaray Kyrgyzstan iyo Tajikistan

Qasaaraha ka dhasahay Dagaal dhexmaray Kyrgyzstan iyo Tajikistan
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Wararka ka imanaya badhtamaha qaaradda Aasiya ayaa sheegaya in dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan, inuu dhex maray iska hor-imaad dhimasho iyo dhaawac badan geystay, kaas oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan, labadan dal ee hore uga mid ahaan jiray Midawgii Soofiyeeti ee burburay.

Kyrgyzstan ayaa sheegtay Axaddii in illaa 36 qof ay dhinaceeda ka dhinteen, halka ay dhaawacmeen in ka badan 129 qof, ka dib dagaal dhex maray ciidamada labada dal, intii u dhexeysay Bishan September 14-keedii illaa 16-keedii.

Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu bilaabay dagaalka, isla markaana uu isticmaalay taangiyo, madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayd ee wax duqeeya, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 54 qof oo labada dhinac ah.

Xuduudaha dalalka ku yaalla Aasiyada Dhexe ayaa ah kuwo muran badani ka jiro, taas oo ay ugu wacan tahay, habkii uu u jeexay Midawgii Soofiyeeti.

Kyrgyzstan ayaa sheegtay inay goobaha lagu dagaalamay ay ka daadgureysay illaa 137,000 oo qof, kuwaas oo la dejiyey meelo ammaan ah.

Tajikistan illaa haatan kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaadhay weerarkaas, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay illaa 30 qof.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey xabbad joojin, hase ahaatee marar kala duwan waxaa dhacay duqaymo kala duwan.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post