1128 Views

Farmaajo oo haatan kulan la leh taliyaasha ciidamada Qaranka, sida Milateriga, Booliska, NISA iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobalka Banaadir.

Farmaajo oo  haatan kulan la leh taliyaasha ciidamada Qaranka, sida Milateriga, Booliska, NISA iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobalka Banaadir.
____________________________________________________________________________

Isniin December 27, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan la leh taliyaasha ciidamada Qaranka, sida Milateriga, Booliska, NISA iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobalka Banaadir.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan dhinacyadan, hayeeshee waxaa wararka qaar ay tilmaamayaan in madaxweyne Farmaajo uu saraakiisha ciidanka kala hadli doono xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga u diiday in ay galaan Madaxtooyada, sidoo kale waxaa gaadiidka Beebaha ah lagu jaray Xaawo Taako, Ceelgaabta iyo Sayidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post