1800 Views

Korneyl Maxamed Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo lagu dilay Qarax miino

Korneyl Maxamed   Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo  lagu dilay Qarax miino
____________________________________________________________________________

June 3 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal uu ku dhintay Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid oo ahaa Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka xooga dalka ee Gorgor oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Allaha unaxariiste Korneylka ayaa ku dhintay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xooga dalka iyo dagaal yahano ka tirsan Shabaab.

Geerida Korneylkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan, Abuukar Dubbe oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalkaan.

Sidoo kale Taliye Maxamed Cabdiwahaab  ayaa hoggaaminayey dagaalka waxaana la sheegay in asaga iyo askar kale ay ku dhinteen Qarax haleelay gaarigii ay saarnaayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post