993 Views

Guddoomiye Mursal oo faah faahiyay Shirka Koonfur Afrika

Guddoomiye Mursal oo faah faahiyay Shirka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Africa ku sugan ayaa halkaas uga qeyb gali doona Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Africa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaarada Soomaaliya ee Koonfur Africa.

Shirka ayaa sidda uu Qorshuhu yahay waxaa uu bilaaban doonaa maanta galinka hore, iyada oo looga hadli doono arrimaha Qaxootiga Afrika iyo sida laga yeelayo.

Guddoomiye Mursal oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in kulankana uu yahay kii tobanaad,isla markaana ay uga doodi doonaan xaalada qaxootiga iyo dadka dalalkooda dib ugu soo laabanayo.

Sidoo kale ay ka hadli doonaan Arrimaha dib u heshisiinta iyo in la isku furo ganacsiga wadamada Afrika iyo kaalinta ay ka qaadan doonaan Golaha Sharci dejinta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment