579 Views

Weriyeyaal lagu tooriyeeyay Cameroon oo uu ka socdo tartanka Koobka Qaramada Afrika

Weriyeyaal lagu tooriyeeyay Cameroon oo uu ka socdo tartanka Koobka Qaramada Afrika
____________________________________________________________________________


Talaado: January 11, 2022

 Saddex weriye oo u dhashay dalka Algeria ayaa lagu tooriyeeyay Cameroon kadib markii koox ay ku weerartay mindiyo.

Waxaa dhaawacmay qaar kamid ah ciyaartooyda oo ay ka dhaceen alaabtooda xilli ay ku sugnaayeen huteel ku yaalla caasimadda Cameroon ee Douala.

Xiriirka Kubadda Cagta Algeria ayaa sheegay in Ismaaciil Amokrane, Mehdi Dahak iyo Maxamed Aissani ay tebinayeen ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika ee ka socda dalkaas.

Waxay ka dhaceen weriyeyaasha teleefoonadooda iyo baasabooradooda.

Waxaana soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana lagu dabiibaya cisbitaalka.

Mas’uuliyiinta Cameroon waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo dhacdada weriyeyaasha lagu weeraray.

Waa dhibaato soo wajahday xiriirka kubadda cagta ee Afrika kuwaas oo dadaal xooggan geliyay ka hor ciyaarta wax ka qabashada walaaca amni.

Xiddiga reer Algeria Ismail Bennacer ayaa sheegay in uu ka xun yahay weerarka lagu qaaday weriyeyaasha.

Sidoo kale Xulka qaranka Algeria oo daafacanayo Koobka ayaa maanta lagu wadaa in uu la dheelo xulka Sierra Leone.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post