735 Views

Diiwaan gelinta codbixiyaasha oo ka bilowday deegaano ay ku muransan yihiin Puntland iyo Soomaaliland

Diiwaan gelinta codbixiyaasha oo ka bilowday deegaano ay ku muransan yihiin Puntland iyo Soomaaliland
____________________________________________________________________________

January 11, 2021

Guddiga soomalailand u qaabilsan doorashooyinka ayaa diiwaan gelinta codbixiyaasha doorashada soomaaliland ka bilaabay degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sool.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda sadexda xisbi iyo xukuumada ayaa wada wacyigelin ay dadka ka dhaadhicinayaan in ay qaataan kaadhka codbixinta.

Sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo uu hormuud u yahay wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa degaano badan marayey si uu dadka uga dhaadhiciyo inay kaadhadhka qaataan, si ay u muujiyaan awoodooda iyo muga dadkooda.

Degmooyinka gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Xuddun iyo Taleex oo aanay jirin dad badan oo horey uga diiwaan gashanaa ayaa ah degaanada sida aadka ah diirada ay ugu hayaan masuuliyiinta gobolka ee haatan xilalka ka haya iyo kuwo haatan deganadaa ka sharaxan.

Degmooyinka iyo deegaanada kala ah Taleex, Xudun & Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Degmo-doorashooyinka Ceerigaabo, Badhan iyo Dhahar  ee Gobolka Sanaag.

Waxaa degaano ay cabsi ka jirto iyadoo ay jiraan dad diidan ka midnoqoshada Somaliland haba u badnaadaan dhulka ood wadaagta la ah Puntland, iyadoo ay weli isdiiwaan gelintu u socoto si degan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post