777 Views

Wakaaladda duurjoogta Australia oo shaacisay sawirka mas seddex indhood leh

Wakaaladda duurjoogta Australia oo  shaacisay sawirka mas seddex indhood leh
____________________________________________________________________________

February 2, 2022

Wakaaladda duurjoogta Australia ayaa shaacisay sawirka mas seddex indhood leh oo marki ugu horreysay lagu arkay waqooyiga dalka Australia.

Wakaaladda duurjoogta Australia waxay sawirka maskaasi ku baahisay baraha bulshada. Maskan oo ay wakaaladdu ku magacaawday Monty Python waxaa la helay bishii la soo dhaafay wuxuuna dhintay todobaad kaddib markii la helay.

Khubarada arrimaha duur joogta ku xeel dheerna waxay sheegeen maska seddexda indhood leh ee la helay inuu qayb ka yahay isbeddelka cimilada ee dunida ka taagan.

Maska waxaa laga helay magaalada Darwin oo ku taallo Koonfurta-Bari ee dalka Australia.

Khubarada wakaaladda duurjoogta Australia waxay sheegeen iney Maska ay saareen raajato (X-ray) ayna ogaadeen inuu masku laba madax lahayn isla-markaana seddexda indhoodba uu wax ku arko.

Barafasoor Bryan Fry wuxuu sheegay maska seddexda indhood leh oo marki ugu horreysay la helay uu qayb ka yahay isbeddelka cimilada wax ka yimid.

“Hadda ka hor mas seddex indhood leh weli ma arag, balse waxay aragtidooda nagu badneyd masas laba madax iyo indho laba ka badan leh” ayuu sii raaciyey Barafasoor Bryan Fry oo wax ka dhiga Jaamacadda Queensland.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post