861 Views

DEG DEG:- Saxaafadda oo banaanka looga saaray kulanka Deni & Xildhibaannada

DEG DEG:- Saxaafadda oo banaanka looga saaray kulanka Deni & Xildhibaannada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16 2021–Kulan ayaa Magaalada Garoowe waxaa uu uga furmay Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Derni, kaas oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rishiid Yusuf Jibriil oo kulanka furay ayaa ku wargeliyay Bahda Saxaafadda iyo Howl-wadeenada Xafiiska Madaxweynaha inay kulanka banaanka uga baxaan.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kulan gaar ah oo wadatashi ay yeelnayaan Xildhibaannada iyo Madaxweynaha Puntland, sidaaas daraadeedna Wariyeyaasha ay banaanka uga baxaan Kulanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu kulanka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo kulmadii fashilmay ee uu uga qeyb galay Magalada muqdisho.

Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamo farabadan la dhigay Wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post