291 Views

Putin oo markii ugu horreysay toos u daawaday dhoolatuska hubka Nukliyeerka

Putin oo markii ugu horreysay toos u daawaday dhoolatuska hubka Nukliyeerka
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa toos u daawaday dhoolastka hubka Nukliyeerka oo ay sameeyeen ciidamada gaarka ah ee qaabilsan Nukliyeerka xilli ay sare usii kaceyso xiisadda kala dhexeyso dalalka Reer Galbeedka kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Aqalka Kremlink-ka ayaa sheegay in gantaallada Ballistic-ga iyo kuwa gujiska ah ee Nukliyeerka lagu garaacay dhinaca dhulka dhaca bariga fog ee Arctic.

Dhoolatuskan aya imaanaya xilli Ruushka uu ku eedeeyay Ukraine inay qorsheyneyso in dagaalka ay u adeegsato hubka la yiraahdo “dirty bomb”.

Halka xukuumadda Kyiv ay sheegtay in Ruushka uu isku diyaarinayo in fuliyo weerar noocaas ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post