1620 Views

Xatooyada Dheymanka: Haweeney “si khiyaani ah” u xaday luul badan oo ay dhagxaan ku bedeshay

Xatooyada Dheymanka: Haweeney “si khiyaani ah” u xaday luul badan oo ay dhagxaan ku bedeshay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021

Lulu Lakatos, oo ah haweeney 60 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay in ay iska dhigtay khabiir ku takhasusay qiimeynta nooc ka mid ah macdanta oo ka soo socota shirkadda Boodles ee bartamaha magaalada London.

Garsooraha Maxkamadda ayaa lagu war galiyay in Lakatos ay qiimeyn ku sameysay toddoba nooc oo dheeman ah oo yaallay xarun ku taalla wadada Bond street ee London, ka dib ayey ku ridatay boorsadeeda.

“Balse markii la furay boorsadeeda waxaa ku jiray toddoba dhagax oo aad u yaryar,” sida loo sheegay maxkamadda Southwark Crown.

“Dheemanka waxaa xaday eedeysanaha oo adeegsatay qaab khiyaano ah,” ayuu yiri dacwad ooge Maxkamadda Philip Scott.

Lakatos, oo asal ahaan ka soo jeedda dalka Romania, laakiin hadda haysata dhalashada Faransiiska, ayaa iska fogeeysay in ay wadday shirqool wax lagu xadayo, bishii March 10-keedii, sannadkii 2016-kii. Maxkamadda ayaa loo sheegay in bishii February, 2016, in guddoomiyaha Boodles, Nicholas Wainwright, uu baaray nin la yiraahdo Siman Glas, oo tilmaamey inuu daneynayo inuu gato guri ku yaalla deeganka aad qaaliga u ah, si uu ugu isticmaalo maalgashi ahaan.Labadan qof ayaa ku kulmay Monaco bishii xigtey, halkas oo Wainwright lagu barey ninka ay shirkadda yihiin ee Glas, oo ah qof u dhashey Ruushka, magaciisa reer Raashiyana uu yahay, Alexander, iyadoo iibinta toddobo shay oo dheeman qaali ah lagu heshiiyey, ka dib wadahadal dheer.

Anna, oo ah qof Dahable ah, ama ka ganacsada, ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dhagxaanta ay doonayeen in ay iibsadaan, kahor inta aan la galin heshiiska beeca, oo aaney la wareegin shirkadda Boodless, illaa iyo inta ay qolada kale ee Gems helayaan lacagtooda.Lakatos ayaa lagu eedeeyey in ay isu ekeeysiisay Anna – haweeney qiimeysa in luulka uu dhab yahay iyo in kale – waxaana soo raacay kuwo ka ganacsada dahabka, waxeyna ku sugeen qol kale, 10-kii bishii March, waxayna kala ahaayeen dad lagu kala magacaabay Wainwright iyo Emma Barton, waxayna sheegteen in ay leeyihiin shirkad wayn.

Stotta ayaa sheegay in Lakatos ay dooneysay inay baarto oo qiimeyn ay ku sameyso toddobada dheeman, ka dibna waxay ku duubtay warqad yar, waxayna galisayna sanduuq loo adeegsado qarinta walaxa yaryar – gudihiisa waxa ku jiro ma muuqaneynin.

Scott waxaa uu sidoo kale sheegay in Lakatos ay dharka ku bedelatay meel maqaayad ah, ayna xiratay jaakad madhoow.

Waxaa ayna baasaboorkeeda u adeegsatay inay kaga baxdo London.

Lakatos waxaa lagu xiray dalka Faransiiska ka dib markii bishii September loo jaray warqad lagu soo xirayo, waxaana dib loogu celiay Britain.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post