915 Views

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddi uu Magacaabey RW Kheyre

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddi uu Magacaabey RW Kheyre
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post