717 Views

Xaalad kacsanaan ah oo wali ka jirta degmada Guriceel

Xaalad kacsanaan ah oo wali ka jirta degmada Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 16 2021=Waxaa wali xiran qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ee kuyaal degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Wariyeyaal ku sugan Guriceel ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ganacsatada ay wali ka cabsi qabaan dagaal dhexmara Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwo Ahlusunna.

Ciidamada xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Boqolaal qof ayaa wali ka maqan guryahooda, waxana ay ugu baaqeen ciidanka dowladda iyo Ahlusunna in ay heshiis gaaraan.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ayaa waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay inay ka barakaceen in ka badan  Kun qoys, kuwaas oo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadaan duleedka degmada Guriceel taas oo cabsi ku abuurtay Bulshada Magaalada.



Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post