801 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Beledweyne

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta oo Isniin ah shir gudoomiyey shir looga hadlayay Arimaha amniga iyo xasiloonida magaaladda Beledweyne.
Shirka waxaa ka qeyb-galay saraakiisha Ciidamada Qalabka sida Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobalka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha sugida Amniga iyo ilaalinta Xasiloonida Magaaladda Beledweyne oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Qalabka sida Dadaalka iyo Juhdiga aay wadaa mar walbo, isaga oo kubooriyey in lasii xoojiyo Nabada

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post