549 Views

Qoysas barakacayaal ah oo Guryo looga dhisay Gaalkacyo

Qoysas barakacayaal ah oo Guryo looga dhisay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xariga ka jaray 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo kaasi oo maalgelisay hay’adda UNHCR.

Munaasabadda xarig jarka guryahaan oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR ee Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Ugu damayntii dadkii loo dhisay guryahaan waxaa lagu wareejiyey furayaashii iyo sabraloogadii guryaha.

Sidoo kale markuu soo idlaaday xarig jarka mas’uuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer ku tagay goobaha adeegyada bulshada ee Deegaanka Jeexdin, sida iskuulka, ceelka biyaha iyo goobaha Caafimaadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post