876 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay Maanta tagaan Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

U jeedka Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ee Dhuusamareeb u tagayo ayaa lagu sheegay inay tahay fulinta heshiiskii Dowladda Federaalka & Ahlusunna oo looga maarmi waayay Ra’iisul Wasaare Kheyre dhameystirkeeda maadaama xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay howshaasi wadeen.

 

Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri iyo Boolis iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay.

 

Waxaa sidoo kale haatan Magalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,waxaana wararku sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka dhexmaraya wadooyinka Magalada Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment