1545 Views

Sawiro:-R.W Khayre Oo Kulamo Layeeshay Madaxweynayaasha Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed .

Sawiro:-R.W Khayre Oo Kulamo Layeeshay Madaxweynayaasha Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed .
____________________________________________________________________________

MadMuqdisho | QOL | May 04, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa maanta kula kulmay Garowe Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ah kuwo taageersan dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhaliilsan dowladda dhexe Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

 

Sababta kulankaan ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu doonaayo taageero ku aadan Sharciga doorashooyinka Qaranka ee la meelmariyay oo ay diideen Saddex maamul in ay taageeraan.

 

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in ka hor Shirka Garowe ay gaashaanbuur la sameyso labadan Maamul goboleed, si isku hadaf uga noqdaan arrimaha looga hadlayo shirkaas.

 

Magaalada Garowe ayaa lagu waddaa in uu maalinta berri ah ka furmo Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment