1776 Views

SAWIRO:-Barakac ka bilaawday Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye

SAWIRO:-Barakac ka bilaawday Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Qaar kamid ah Shacabka ku nool Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay bhilaabeen inay barakacaan,kaddib fataahad uu sameeyey Wabiga Shabeelle ee mara degmadaas.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafadaha ugu daran ee Wabiga uu fatahaada ka smeeey ay ka mid yihiin Xaafadaha Damaleey,Baalguri iyo Aaytire,waxaana inta badan iasga baxay dadkii deganaa.

 

 

 

Fahataada Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye ayaa waxaa uu sameeyey Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah,kuwaas oo Biyuhu ay galeen,taas oo keentay in dadku barakacaan.

 

Dadka barakacay ayaa dad ku sugan Afgooye waxaa ay sheegeen in Boqol Qoys ah kor u dhaafayaan,isla markaana ay aadeen tuulooyin hoostaga degmada Afgooye oo aan fatahaadu gaarin.

 

\Maamulka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo ku saabsan fatahaadaha uu Wabiga Shabeelle ka sameynayo xaafadaha qaar ee degmadaasi Afgooye.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment