1527 Views

Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen

Puntland oo Shaki ka muujisay doorashaddii Laftagareen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa walaac badan ka muujiyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Arbacadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Puntland waxa ay sheegtay in  dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka.

Doorashadii lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayay ku tilmaameen Golaha Wasiiradda Puntland mid sharci daro ah oo baalmarsan taageeradda iyo rabitaanka Shacabka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa yiri war kasoo baxay Puntland.

 

 

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment