822 Views

Doonyo iyo maraakiib ganacsi oo ku xayiran xeebta Boosaaso

Doonyo iyo maraakiib ganacsi oo ku xayiran xeebta Boosaaso
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso.

Tilaabadaan ayaa timid kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda

Maamulka dekedda Boosaaso, ayaa Doonyaha iyo Maraakiibta ku wargeliyay in aysan xeebta soo dhaafin inta Marinka dekedda laga saarayo Ciid la sheegay in halkaaas ay buuxisay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post