417 Views

Magaalada Toronto ee dalka Canada Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya kuraasta golaha deegaanka

Magaalada Toronto ee dalka Canada  Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya kuraasta golaha deegaanka
____________________________________________________________________________

Khamiis:AUGUST 18, 2022

Magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa bisha October ee sanadkan ka qabsoomi doonta, doorashada duqa magaalada, golaha deegaanka iyo guddiga maamulaya iskuullada, iyada oo labaatan murashax ay u tartamayaan duqa magaalada Toronto.

John Tory oo siddeeddii sano ee lasoo dhaafay ahaa duqa magaalada ayaa markii saddexaad u tartamaya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto.

Golaha deegaanka eeToronto ayaa ka kooban 25 xubin, murashixiinta kasoo baxa 25-ka xaafad ee deegaan doorasho ayaa 4-ta sano ee soo socota matali doona magaalada.

Barri oo jimco ah ayay ku egtahay muddada loo qorsheeyay isdiiwaan gelinta murashixiinta.

Sidoo kale Toronto, waa magaalo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Canada, laakiin ilaa iyo hadda dhanka Soomaalida, waxaa is diiwaan geliyay si uu ugu tartamo golaha deegaanka Cabdikariim Cumar oo kamid ah dhallinyarada ku koray magaaladaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post