2406 Views

Tirinta codadka doorashada oo ka bilaabatay Soomaaliland

Tirinta codadka doorashada oo ka bilaabatay Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2017 –– Afhayeenka Guddiga Doorashada madaxtinimada Soomaaliland Saciid Cali Muuse oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulkaasi ayaa uga mahadceliyay shacabka deegaanadaasi, sida ay Codka u dhiibteen.

Waxa uu sheegay Afhayeenku in codeyntu ay u dhacday sidii loogu tala galay, islamarkaana waajibaadkii saarnaa ay guteen shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi Soomaaliland.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Doorashada ee Soomaaliland Saciid Cali Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in ay bilaabeen tirinta Codadkii la dhiibtay ee Doorashada madaxweynaha Soomaaliland oo la filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socdo.

Waxaana uu tilmaamay in haatan tirintu ay ka socoto dhammaan goobihii Shalay laga Codeeyay ee Maamulkaasi Soomaaliland.

Doorashada Soomaaliland ayaa shalay ka bilaabatay guud ahaan deegaanada Mamaulkaasi, waxaana ku loo lamaya Xisbiyada Wadani, Kulmiye iyo UCID oo ay u taaganyihiin Musharraxiinta kala ah:-Cabdiraxmaan  Cirro 2, Muusa Biixi iyo Feysal Cali Waraabe.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment