456 Views

Ra’isal wasaare ku xigeenka Ukraine oo Ruushka ku eedeysay inuu dhowrin xabbad joojinti

Ra’isal wasaare ku xigeenka Ukraine oo  Ruushka ku eedeysay inuu dhowrin xabbad joojinti
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

Ra’isal wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa Ruushka ku eedeysay inuu dhowrin xabbad joojinti ku meel gaarka ahayd ee laga gaaray magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Iryna waxay sheegtay iney ciidamada Ruushka ay billaabeen madaafiic iney ku garaacaan magaalada Volnovakha.

Ku xigeenka duqa magaalada Mariopoli Sergie Orlov oo BBC u warramay ayaa sheegay Ruushka inuu ku xadgudubay xabbad joojinta arrimaha bani aadanimada loo gaaray iyaga oo weli magaaladaasi ku hareereysan xilli ay maamulka magaaladaasi qorsheynayaan hirgelinta qorshaha ay shacabka magaaladaasi ka qaxaya si nabad ah uga saarayaan.

Srgie wuxuu walaac ka muujiyey amniga waddada ay sii marayaan dadka magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Wasaaradda Gaashaan dhigga Ruushkana waxay sheegtay iney labada dhinac ay ku heshiiyeen in shacabka magaalooyinkaasi loo furo waddooyin ay ku qaxaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post