795 Views

Isgaarsiinta degaano ku yaalla xaddka Somalia & Kenya oo hawada ka maqan

Isgaarsiinta degaano ku yaalla xaddka Somalia & Kenya oo hawada ka maqan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 27 2020—15 deegaan oo ku yaalla xudduuda Soomaaliya ee dhinaca Kenya ayaa is-gaarsiinta ay ka maqan tahay muddo, waxaana go’an xiriirka dadka dhexdiisa ah iyo lacagaha la isugu diro EVC Plus.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay jareen Isgaarsiinta xuduudda kadib howlgalo ay ka fuliyeen deegaanadaasi.

Sidoo kale, afar qof oo ciidamada Kenya ee la dagaalanka argagixisada ay toddobaadkan kala baxeen guryahooda oo ku yaalla tuulo hoostimaado Ceelwaaq, ayaa shaley midkood la helay isaga oo meyd ah.

Shacabka gobolka Gedo ayaa shaley dhigay banaanbax looga soo horjeedo falalka ciidamada Kenya, kuwaasi oo ka dhacay degmooyinka Baardheer, Baladxaawo, Buurdhuubo iyo Ceelwaaq.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post