219 Views

Madaxweynaha Puntland oo magacaabey guddoomiyaha gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland oo magacaabey guddoomiyaha gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Sabti: july 23, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabey guddoomiyaha gobolka Mudug, kadib markii guddoomiyihii hore uu noqdey Xildhibaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade) u magacaabay Gudoomiyaha gobalka Mudug, masuulkan ayaa waxaa horey u magacaabay madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash, xiligii uu Deni u tartamayey madaxtinimada Soomaaliya, waxaana rintaani ay keentey khilaaf labada masuul oo gaarey meel xun.

Dib u magacaabidda Deni ee Faysal Jifo-jabsade ayaa muujineysa sida Deni iyo Karaash hadda ay heshiis u yihiin, inkasta oo Axmed Karaash weli la shaqeynaayo wasiiro uu xilka ka cayriyey taas oo socon weydey.

Faysal Sheekh Cali ayaan horey loogu baran arrimaha siyaasadda, waxa uu ka shaqeyn jirey arrimaha dhalinyarada, muddooyinkii danbena waxa uu ahaa Nabadoon

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post