570 Views

Booliska Cameroon oo soo badbaadiyey 70 caruur ah oo lagu hayey xeryo kala duwan

Booliska Cameroon oo soo badbaadiyey 70 caruur ah oo lagu hayey xeryo kala duwan
____________________________________________________________________________

Khamiis:May 26,. 2022

Ciidamada Booliska ee dalka Cameroon ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 70 caruur ah oo lagu hayey, xeryo dhaqan-celineed oo loo sameeyey si sharci darro ah, waxaana caruurta xeryahaa ku jiray la isugu daray in silsilado lagu xidho iyo in la garaaco. Masuuliyiinta dawladda Cameroon ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay shaqaalihii xarumahan dhaqan-celinta, halka la daawaynayo caruurtii waxyeelladu soo gaadhay.

Xaruntan dhaqan-celinta oo ku taalla magaalada Ngaoundere ee woqooyiga dalka Cameroon ayaa dadka hirgeliyey ay ku sheegeen in loo sameeyey in lagu dhaqan celiyo ama lagu edbiyo caruurta qallafsan, waxaana haatan lagu hayey caruur ay da’doodu u dhaxayso 6 jir illaa 14 jir, kuwaas oo qaarkood ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay garaacista loo geysto iyo weliba silsiladaha lagu xidhxidho.

Alim Idrisou oo 14 jir ah, wuxuu ka mid yahay caruurta lagu hayey xeradan dhaqan celinta, wuxuu sheegay in goobtan la geeyey ka dib markii uu ka dhego-adaygay inuu aado dugsi lagu barto Quraanka bishii March ee sannadkii 2020, wixii markaas ka dambeeyey waalidkiis ayaa kaxeeyey oo ku xereeyey xaruntan dhaqan-celinta, waxayna ku eedeeyeen inuu ixtiraami waayay dhaqannada bulshada iyo weliba dadka ka waaweyn.

Waxa uu sheegay inuu ilaahay naftiisa soo badbaadiyay isla markaana uu u soo dulqaatay jidh-dilkii foosha xumaa ee ay u geysteen shaqaalaha xaruntaasi. Waxa uu sheegay in labadii sano ee ugu horeysay uu xerada ku jiray isagoo lugaha ka katiinadeysan, iyada oo cunug kasta oo xeradaas ku jira, maalintii la siin jiray cunto aad u liidata, halka qofkii ka cawda cuntadaasina ay garaaci jireen ilaalada xeradu.

Alim Idrisou oo la hadlayay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in marka caruurtu ay u baahdaan inay saxaroodaan, in shaqaalaha xaruntu ay ku khasbi jireen inay ku saxaroodaan bacaha ama ay ku kaadiyaan dhalooyinka ama quraaradaha uu sharaabku ka dhamaado. Caruurta waaweyn ayaa habeenkii lagu khasbi jiray inay qaadaan bacihii ay caruurtu ku saxarootay iyaga oo ku soo daadin jiray tog u dhow xerada.

Caruurta la soo daayey ayaa sheegay in saddex caruur ahi ay u geeriyoodeen gaajo iyo jidh-dil loo geystey, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, iyaga oo aan ka warhayn halka maydkoodii lagu aasay. Booliska ayaa ka marag kacay in caruur kala duwani ay ku dhinteen xaruntaas, halka dawladduna ay isku dayayso inay aqoonsato caruurta la sheegay inay dhinteen.

Kildadi Taguieke Boukar waa gudoomiyaha gobolka Adamawa ee Cameroon, oo ay hoostagto magaalada Ngaoundere ee ay xeradani ku taallay, wuxuu amar ku siiyay saraakiisha dawladda hoose, culimaa’uddiinka, hogaamiyayaasha bulshada iyo madaxda tuulooyinka in ay gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa jidh-dilka loo geysto caruurta gaar ahaan kuwa ka dhaca xeryaha la sheego in loogu talo galay dhaqan-celinta caruurta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post