888 Views

Madaxweynaha K/Galbeed oo ku wajahan Diinsoor & U jeedka oo la shaaciyey

Madaxweynaha K/Galbeed oo ku wajahan Diinsoor & U jeedka oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago degmada Diinsoor oo kamid ah degmooyinka Gobolka Baay.

 

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Degmada Diinsoor gaarey Xubno ka socda Madaxtooyada koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha koonfur Galbeed.

 

 

 

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in u jeedka Safarka Madaxweyne laftagareen ay tahay in uu ka qeyb galo Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha deegaanka Degmadaas.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas.

 

Ammaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyey,waxaana wadooyinka qaar la suray Boorar uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo tegaya degmadaas Maalinta Berito oo Talaado ah.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment