909 Views

Talyaaniga oo taageero u ballan qaaday Galmudug

Talyaaniga oo taageero u ballan qaaday Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 2 2020—Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada.

labada mas’uul waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post