1227 Views

Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo bilaawdey

Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo bilaawdey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug waxaa ka bilaawdey dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulka Galmudug.

 

Arbacadii shalay ayaa la xiray qabashada Araajida musharaxiinta ,waxaama Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood,kuwaas oo maanta guda galey jeedinta khudbadahooda musharaxnimo.

 

 

 

Saddex musharax ayaa waxaa ay u taagan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka,kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdullaahi Axmed Calasow.

 

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo uu kamid yihiin Faadumo Cabdi Faandhe & guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

 

Berrito ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbidoono doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment