882 Views

Baarlamaanka Puntland oo xaraashay xaruntii ay ku shaqeynaayeen

Baarlamaanka Puntland oo xaraashay xaruntii ay ku shaqeynaayeen
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa ansixiyey in ay xaraashaan xarunta golaha oo ku taalla Bartamaha Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maalintii Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garowe.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka cabanaayan sababo amni oo la xariirta xarunta ay degan yihiin, taasoo badalkeena ay doonayaan meel ammaan ah.

Kulankii Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha in la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulanka uu ahaa mid qarsoodi ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post