1017 Views

Shir laga yeeshay Amni darrada kajirta Magaalada Marka

Shir laga yeeshay Amni darrada kajirta Magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Maanta ka qabsoomay kulan ay yeesheen guddiga amniga Magalada, iyada oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Axmed Cali (Waafow).

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa , Saraakiisha Ciidamada, Millateriga, Nabadsugida iyo Booliska iyo sidoo kale saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla degmadaas.

Taliye kuxigeenka Ciidamada guutada 14-ka Octoober  laba xidigle Cabduqaadir Xasan ayaa sheegay in shirka diirada lagu saaray falalka amni darro ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magalada Marka & degaannada hoostaga, kaas oo badi ay geeysanyeen Al-Shabaab & Kooxo Burcad ah.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in shirka lagu go’aamiyay in Ciidamada xoogga dalka & kuwa AMISOM ay degaannada hoostaga magaalada Marka ka fuliyaan howlgallo si dadka Shacabka ah ay nabad ku maraan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Marka.

Shirkan looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay magalada Marka ayaa waxaa uu daba socday falal la xiriira dhac ee kusoo kordhay Gudaha Magaalada Marka & weeraro dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmadaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post