567 Views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________


arbaco: January 19, 2022

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Xubnaha GuddigaDoorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland oo uu horkacayo Gudoomiyaha Guddiga  Siyaad Maxamed Mursal iyo Xubno kale.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo xubnaha kale ee lasocda ayaa Kismaayo u tegay sidii ay xog ogaal uga noqon lahaayeen doorashada Kuraasta jadwalka doorashadooda ay  shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland

Maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo e lagu qabto doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post