1164 Views

Maamul-Goboleedyada haka wada diideen MW Farmaajo mudo-Kororsigan sharci-Darrada ah!

Maamul-Goboleedyada haka wada diideen MW Farmaajo mudo-Kororsigan sharci-Darrada ah!
____________________________________________________________________________

Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, MW Farmaajowuxuubishan Agoosto 15-keedii Baarlamaanka ka hor yiri: “Ogaada heshiis siyaasadeed horay ayuu u dhacay, wuxuu ka dhacay Baydhabo, kadib markii guddi ka socda dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada, muddo dheer ka shaqeynayeen, in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah 2020-2021-ka”. Wuxuu ku daray, “Maanta oo bisha tahay 15-ka Agoosto, waxaa lagu ballansan yahay, in dib la isugu laabto Dhuusa-Mareeb, oo looga wada hadlayo doorashada iyo geedi-Socodka, waana muhiim in dadka dib loogu celiyo awooddooda, madaxweynaha oo dalka ugu sareeya, waa ilaaliyaha sharciga & dastuurka, waana in la ilaaliyo, maadaama aad tihiin codka shacabka, waa in la aqbalo go’aanka aad gaartaan”

Waa su’aale, ninkan go’aankaa cad, meel u yaallo, muxuu wada xaajood kaba galayaa, soow waqti lumis, iyo shimbirayahoow heesa maaha? Cajiib!

Aqrostoow MW Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, hore ayey jeebka ugu riteen, Mursal, Muudeey, iyo koox aan yareyn oo Xil-Madhibayaal ah, oo ay hore ugu qanciyeen, in mudada lawada kororsado, waa kuwaa foowdada, iyo sharci-ku tumashada u isticmaalaya markeey doonaanba. Xaqiiqdii naceyb gaar ahna uma eeysan qabin RW Kheeyre’e, meesha waxeey noqotay, dani waa seetee, ineey kala doortaan MW Farmaajoo leh, aan kuwada darsannoo, meesha isla sii joogno, iyo RW kheeyroo leh, aan qabanno doorasho waqtigeeda ku dhacda, oo aan la hubin, cidda kuraasta kusoo noqoneeysa, sidaa daraadeed Xil-Madhibayaashaasi, waxeey dantooda ka dhex arkeen, foowdada iyo sharci-darrada MW Farmaajo iyo Fahad Yaasiin-ka NISA isla abaabuleen, mana aheynba ineey foowdadii Baarlamaanka ka dhacday qaadato 7-Daqiiqo, illeen gudoomiyaha ayaa loogu talagalay, inuu isaga dhawaaqo kaligii’e, illeen kalsooni kala noqoshada (Vote of Confidence) raysalwasaaraha, ama madaxweeynaha (The Impeachment process) lagu qaadayo, waxeey waqti qaadataa, marka wadada sharciga ahe dastuuriga ah la marayo oo kaliya.

MW Farmaajo wuxuu shirkii Dhuusa-Mareeb 2, qaab-Beeleed ugu xodxotay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe aka Karzai-ga Kenya, waloow labadaba la jiibiyeen hadalka, hadana ninka kaliya, ee si kal-iyo-laab ah u aqbalay, waa Axmed Madoobe, isagana wuxuu iska dhaadhiciyey, hadii MW Farmaajo, Fahad Yaasiin & Jiis-Mareexaanka NISA, kawada nasanayo, oo dagaalkan ay ku hayyaan, ka deeynayaan, kuna aqoon sanayaan, hade sii joogitaankiisa maxaa kaga khasaaraya. Nasiibdarro! Wuxuusan xisaabtaba ku darsan Axmed Madoobe, in waxa mudo ku darsiga loo raadinayaba, eey ka mid yihiin, sidii dagaalka Axmed Madoobe lagu billaabay, balse waqtiga ka dhamaadaay, loogu heli lahaa waqti dheeri ah, si A. Madoobe looga taqalaso, arintaana waxaa kuugu daliil ah, iyadoo dhinacna mudo kororsiga laga raadinayo, A.Madoobena looga dhigayo in la heshiiyay, ayaa hadana wali ciidamo hor leh, lagusii daldalayaa Gedo, maxaayeelay MW Farmaajo iyo Jiis-Mareexaan-ka NISA waxaa ka go’aan, ineey beri beesha Mareexaan ugu faanaan, uguna abaal-Sheegtaan beeshooda, ineey Axmed Madoobe ka dul-Qaadeen. Waase hadii eey u suurtagaleeyso, iyadoo wali ciidamada Kenya joogaan magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Sadexda kalee maamul-Goboleedyada kasoo haray, ee wixii hore la isugu dhihi jiray “Nabad & Nolol” gacanta ugu jiray, balse uu Ex RW Kheeyre, qaarkood gacantiisa ku dhisay, sida Galmudug oo dhismaheeda darteed mudo dheer ugu noqnoqday, walibana mudo 45-cisho ah dhex fadhiyey, oo Qoorqoor sidaa kursiga ku saaray, halka MW Farmaajana xilligaa watay Cabdi Dheere, halka maamul-Gobeedyada kalana RW Kheeyre aad ugu dhawaayeen, shirkii Dhuusa-Mareeb 2-na doorashada dadban isku waafaqsanaayeen, ayaa waxeey la shireen MWFarmaajo, Fahad iyo Jiis-Mareexaanka NISA, iyagood moodo, agoon aabahood la dilay, wuxuuna Farmaajo ugu goodiyey, inuu baarlamaanka iyo guddoonkoodaba heeysto, oo laba gooraba uu 2-Sano ku darsanayo, waxa uu ka rabana tahay, taageero dheeri ah oo mudo kororsigaa ah, balse hadii eey dhacdo, in baarlamaanka u kordhiyo, iyagana eeysan taageerin, uu iyaga kula dagaalami doono labada sanee uu ku darsan doono, isagoo isticmaalaya NISA iyo lacagta aan loo xadideyn ee dowlada Qatar.

Hogaamiyaha kaliya ee maamul goboleedyada ka mid ah, balse aan isaga baqeyn MW Farmaajo, mayana dhahay waa Siciid Deni, isagana wuxuu MW Farmaajo ka rabo ayaa ah, inuu u saxiixo mashaariic malaayiin doollar ah, oo uu soo dhameeystay, balse lagu xiray, saxiixa dowlada Federaalka, isagana hadii loo wada saxiixo malaayiintaa, malaha wuxuu noqonayaa “Af wax cunay, xishoo”, waloow laga yaabae, inuu yiraahdo mudo kororsi maya, kadib markuu waxwalba ka saxiixday, illeen wuxu waa siyaasade. Nasiib wanaag! Waxeey si cad Puntland usoo jeedisay, in qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 ka horeeyso, hubinta in lagu gaarayo heshiis sal-Dhig leh, sidaas darteedna waxeey ku baaqday, in shirku noqdo mid ka qayb-Galkiisa ay u dhanyihiin madaxda DF, Maamul-Goboleedyada, iyo diblamaasiyiinta beesha caalamka, ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxeey sidoo ku baaqday, in MW Faramaajo magacaabo, raysalwasaare qayb ka noqda, fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka dalka, ee 2020/2021.

Gunaanad

Waxeeyna maanta tagaan tahay ma Siciid Deni ayaa maamullada kale ku qancin doona, ineey maya wada dhahaan damaca MW Farmaajo, mise MW Farmaajo ayaa u hanjabida maamullada kale darteed ku heli doonaa, ineey mudo kororsigiisa ku wada taageeraan?

.

.

.

Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA. abdulkadirphd@hotmail.com

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post