834 Views

Ciidamo Boolis ah oo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka u diiday in galaan teendhada Afisyooni

Ciidamo Boolis ah oo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka u diiday in galaan teendhada Afisyooni
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Xildhibaanada Golaha shacabka ay u diideen in ay u gudbaan xarunta teendhada Afisyooni oo lagu wado inay maanta ka dhacdo, xili Guddiga doorashada guddoonka golahaas ay wadaan diyaar garow la xiriirta doorashada.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah oo si fowda ah loo geliyay irdihii
Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho ay gabi ahaan diideen in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd.

“Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd.”Ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene.

Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray hadalkiisa uu yiri “Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa khaatumadeedii kusii guda jirnaa”

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamuud Beenebeene ayaa tilmaamay in hadduu rabi idmo uu dalka ka biixi doono saddexda isbuuc ee soo socota hogaan ka fowdada ah, isagoo xusay in doorashada guddoonka Golaha Shacabka ay xal u noqon doonto.

“Insha Allaah sadaxda isbuuc ee soo socota hogaan kaan fowdada ah idim Alle dalka wuu kabaxayaa oo doorashada ayaa xalineysa. Hala dulqaato, halaysku sabro, maalmihii wacnaa, demoqaraadiyaddii iyo hogaankii dadka isku wadi jiray baa inoo bilaaban doona Insha Allaah.” Ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post