855 Views

Cali Guudlaawe” Dhalinyaradu waxay udub dhexaad u yihiin xoreynta Dalka”

Cali Guudlaawe” Dhalinyaradu waxay udub dhexaad u yihiin xoreynta Dalka”
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinta Hirshabeelle Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 78-aad ee aasaaskii Ururkii Gobanimo doonka SYL oo maanta loo dabaal degayo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in Dhallinyaradu udub dhexaad u ahaayeen xoreynta Dalka iyo Tiirka  Dowladnimadeena, waxa uuna kula dardaarmay inay gacmaha is qabsadaan oo ay u istaagaan Horumarka iyo Nabada Dalka si uu u hagaago Mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo socda maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post