723 Views

Turkiga oo ku riixaya Soomaaliya iyo Kenya inay ka wada hadlaan Kiiska Badda

Turkiga oo ku riixaya Soomaaliya iyo Kenya inay ka wada hadlaan Kiiska Badda
____________________________________________________________________________

Dowladda Turkiga ayaa ka shaqeyneysa sidii uu u dhex dhexaadin lahaa Soomaaliya iyo Kenya si ay uga wada hadli lahaayeen kiiska badda sida ay qortay African Intelligence.

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa la filayaa inuu booqasho yimaado ku tago magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi bisha soo socota ee Maarso, si uu ula kulmo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Turkey ayaa dooneysa in la xalliyo arrinta labada dal ka dhaxeysa ee dacwada badda, iyadoo kiiska dacwada ay taalo Maxkamadda ICJ, lana filayo in 15-ka bisha Maarso ay bilaabato dhageysiga dacwadda.

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed Turkigu wuxuu dhex-dhaxaadintan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu wuxuu Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo ballaaran u arkaa laba dal oo door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo Soomaaliya eriday Safiirkii Kenya, halka ay Safiirkeedii kala soo baxday, labada dal ayaa Safaaradooda Muqdisho iyo Nairobi albaabada loo laabay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post