1311 Views

Shaqaddii Golaha Shacabka oo hakad ku jirta

Shaqaddii Golaha Shacabka oo hakad ku jirta
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 —Shaqadii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta ka dib markii uu Khilaaf soo gala dhex galay Xildhibaanada qaarkood iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka oo ku aadan kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Kulamo kala duwan ayaa wali ka socdo Xarunta Golaha Shacabka ,kuwaasoo u dhaxeeya Xildhibaanada qaar iyo waliba Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka inta uusan xoogeysan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ku aadan in uu jabiyay Sharciga Golaha Shacabka.

Kulamadii Golaha Shacabka  ayaa istaagtay sababo la xariira Khilaafka ka dhex ka taagan gudoonka Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal oo dalka si deg deg ah ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana xildhibaanada labadda dhinac u kala jabay ay u muuqdeen kuwo mida Midka kale uu ka dhaadhicinaayo Mowqifkiisa ku aadan kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment