768 Views

Dalalka Soomaaliya, Suudaan & Koonfurta Suudaan oo iskaashi yeelanaya

Dalalka Soomaaliya, Suudaan & Koonfurta Suudaan oo iskaashi yeelanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November17, 2020 –Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Miudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay  Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.

Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post