1227 Views

Cabduwahaab Cawaale “Waxaa igu dhacay cudurka Kansarka, balse aniga waxbo ma dareemin

Cabduwahaab Cawaale “Waxaa igu dhacay cudurka Kansarka, balse aniga waxbo ma dareemin
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 15, 2021

Cabduwahaab Cawaale waa wiil dhalinyaro ah oo Soomaali kaasi oo dhawaan laga helay Kansarka ku dhaca Mindhicirada.

Cabduwahaab Cawaale ayaa sheekadiisa waxa ay dadka laga heley cudurka ay kaga duwan tahay waxyaabo badan.

Waxaa uu Cabduwahaab waxaa uu kaga duwan yahay dadka kale ee cudurka laga helay in uusan wax welwel ah galin cudurka islamarkana uu bartiisa facebook dadka kula wadaagay in cudurka laga helay

“Sida intiinna badan aad la wada socoteen, waxaa jiray baaritaanno hordhac ah, kuwaas oo sheegayay in uu jiro cudurka kansarka. Hadda baaritaannadii waa ay soo dhammaadeen, waxa ayna xaqiijiyeen in uu mindhicirka ka soo billowday, keddibna uu ku faafay illaa beerka” waxaa uu sidaa ku qoray barta uu facebook ku leeyahay.

Hadaba Cabdi Wahaab oo BBC la hadlaya ayaa waxaa ka muuqata qanacsanaan iyo in uusan wax welwel ah ku hayn cudurka lagu sheegay.

“Runtii qaraabada iyo asxaabta hadaan ku hormaro iyaga aad ayay u murugoodeen qaar-na caadi ayay ahaayeen” ayuu yiri Cawaale.

Cawaale ayaa intaa ku daray in markii ay dhakhaatiirta u xaqiijiyeen in uu hayo cudurka Kansarka uusan isaga wax naxdin iyo welwel ah dareemin oo uu caadi iska ahaa.

“Anigu haba yaraatee wax culeys ah ama naxdin ah , ama cabsi ah ama welwel ah intaba runtii ma dareeminsidii markii hore inta aanan ogeyn aan ahaa ayaa markii aan ogaaday-na ahaa wax iska key badalay haba yaraatee ma jirin,” ayuu yiri mr Cawaale.

Cabduwahaab Cawaale oo aan wax ka waydiinay sababta aysan welwel iyo culeys ugu keenin cudurka lagu sheegay ayaa sheegay in uu qadarka Alle aaminsan yahay taasi oo ka caawisay in uusan cabsi dareemin.

“Yaqiinta qofka ama marka ay caqiidadiisa marka ay fiican tahay kalsoonida uu ilaahey ku qabo-na ay badan tahay, qadarta eebe-na aaminsan yahay runtii qalbiga ayaaba kuu xasilaya, ayuu yiri Cabdi wahaab.

Cabduwahaab ayaa intaa ku daray in uu rumeysan yahay in cudur walba uu daawadiisa alle soo dajiyay islamarkana laga bogsan karo.

“Waxkasta oo lagaa sheego inuu ilaahey keenay laga daawoobi karo, sida ay noo sheegtay iyo nebigaa (SCW) in cudur kasta uu dawo leeyahay oo wax aan dawo laheyn uusan jirin intaas oo is biirsaday qabli waa ii xasilan yahay,” ayuu yiri.

Astaanta cudurka ma dareemin

Cabduwahaab Cawaale ayaa sheegay in ka hor inta aanu cudurka Kansarka Mindhicirka lagu sheegin uusan dareemin wax xanuun ah.

Waxaa uu intaa ku daray in markii uu dhakhtarka aadayay uu xanuun kale oo aan ahayn mindhicirka u aaday isbataalka, balse baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu cudurka Kansarka.

“Caadi ayaan iska ahaa wax xanuun ah ma dareemin, xanuun kale oo yar oo aan ahayn meesha hadda laga iga hayo ee beerka iyo mindhicirka ayaan dareemay, ka dib-na dhkaatiirtii ayaan u tagay oo ku iri xanuunka noocaasi ah ayaa i hayo , xanuunkii markii la baaray-na ka dib waxaa la ogaaday in uu sabab u tahay xanuunka i hayo,” ayuu yiri Cabdi wahaab.

Cabduwahaab Cawaale ayaa farta ku fiiqay in ka hor inta aan xanuunka lagu sheegin uusan dareemin wax astaamaha cudurka ah.

“Markii hore wax saansaan ah inaan qabo iyo xanuun ah midna ma dareemin ,waxaan iska ahaa nin magaaladiisa ku jira oo kubadda iska ciyaaraya,” ayuu intaa ku daray.

`

Baaqa uu u dirayo dadka cudurka qaba iyo kuwa ana qabin

Cabduwahaab Cawaale ayaa waxaa uu bulshada ugu baaqay in loo baahan yahay in xaaladooda caafimaad ay mar walba la socdaan.

Waxaa uu intaa ku daray in Soomaalida uu ugu baaqayo in qofka marka uu xanuun yar ama calaamadu uusna isku arki jirin uu dareemo loo baahan yahay in uu baaritaan aado oo ogaado xanuunka haya.

“Kuwa aan qabin ilaahey kuma keeno waxaan kula talin lahaa qof waliba haddii xanuun yar oo uusna isku arki jirin amaba astaamo ku cusub noolashiisa in si degdeg ah dhakhtarka ula xiriiro oo uusan inta farmashiyo aado kaniini iska soo iibsan,”

Cabduwahaab Cawaale ayaa dhanka kale ugu baaqay dadka qaba cudurka Kansarka in aysan welwel iyo walbahaar is galin islamarkana ay alle isku xiraan.

“Dadka qaba waxaaan dhihi lahaa ha cabsanina ha welwelina, cabsida yareeya, dadka qaar xitaa dadka qaarkood ma jecla in la maqlo aad ayay u qariyaan oo way ka cabsanayaan in la ogaado in ay cudurkaasi qabaan,” ayuu yiri Mr Cawaale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post