7887 Views

Banaanbixii shacabka Muqdisho iyo Dardaarankii Duqa Muqdisho

Banaanbixii shacabka Muqdisho iyo Dardaarankii Duqa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 11, 2017 – Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu taageeraayay Madaxweynaha la doortay ee Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Dadweyne fara-badan oo qaarkood wata sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa isugu soo baxay Taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ku soo bandhigeen dareenkooda ku aadan is bedelka ku yimid hogaanka dalka.

Bannaanbaxan, ayaa waxaa ka soo muuqday masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Gudoomiyaha oo la hadlaayay bannaanbaxa-yaasha, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray farriin ah, in xuquuqdii Gobolka Banaadir uu soo dhiciyo.

Gudoomiyaha, ayaa cod kore ku sheegay xuquuqdii siyaasiga ee Gobolka Banaadir in uu maqan yahay, isagoo intaa ku daray inaanay ilaawi doonin, isla-markaana ay har iyo habeenba u taagnaan doonaan, sidii xuquuqdaasi lagu heli lahaa.

Duqa Muqdisho, ayaa Alle ka rajeeyay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu garadsiiyo xuquuqda Gobolka Banaadir ee la duudsiiyay.

Gobolka Banaadir, ayaan xubno laga siinin Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, halka gobolada kale ee wadanka dad metela ay ku leeyihiin.

Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-4 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-1 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-2 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-3 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-5 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-6 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-7 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-8 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-9 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-10 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-11 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-12 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-13 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-14 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-15 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-16 Bannaanbax-lagu-taageerayo-Farmaajo-17

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online, Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment