843 Views

Akhriso:-Qodobada looga hadlay Kulanka Aqalka Sare

Akhriso:-Qodobada looga hadlay Kulanka Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 20 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa.

 

Ajandayaasha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

 

 

 

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare ee BFS.

 

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.Waxaa Ogaalada 30 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment