264 Views

Jiirow Dr Fanax oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray oo kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Jiirow Dr Fanax oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray oo kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa shalay  kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dr Fanax ayaa loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda, waxayna maxkamadeyntiisa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajadeeda koowaad oo uu kasoo hor-muuqday Dr Fanax ayaa waxa uu sheegay in gudaha dalka uu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Baardheere, Kismaayo, Xudur iyo Beled-Xaawo.

Ninkaan ayaa lagu eedeynaya in sanado badan uu jilayay Dhakhtar, uuna Al-Shabaab kasoo tirsanaa tan iyo 2009-kii, isaga oo kaga biiray Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu ka qeyb qaatay fulinta dilal iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Eedeysanaha wuxuu xirtay dharkii ciidamada qalabka sida oo wuxuu xirtay garaadadii Gaashaanle, waa sarkaal been abuur ah oo isticmaalayay ID-cardkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,” ayuu yiri ku-xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.

Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah.

“Qadar ayuu sheegay in uu ka shaqeeyay waligiis kama shaqeyn. Maxamed Cabdinuur waligeen nama soo marin ayey dhah jaamacada uu sheegay in uu ka sito shahaadada (dhakhtarnimada). Sidaas darteed waxay ku tuseysa intaas oo dhan waxay u ahaayeen wax uu ku qaraabanayay oo shaqadiisa ku fushanayay,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa dilaa arxan darran, oo nooc walba dadka u dila waxaa maxkamadda weydiisaneyna in lagu xukumo ciqaabta u qalanta si bulshada uga badbaado wixiisa, oo ah dil toogasho ah.”

Qareenka u doodayay ninkaan eedeysanaha ah ayaa sheegay in uusan jirin markhaati la keenay maxkamadda, oo arkay eedeysanaha oo weerar ama dhibaato geysanaya.

“Dad dhaawacan waaye, oo dhamaantood dhibanayaal waaye, mid walba waa dhaawacan yahay marka maxkamadda uma aqoonsan karto markhaatiyaal ee waa dhibanayaal.”

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeyntiina soo xiray dacwad dhageysigii eedeysane Dr Fanax ee maanta ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post