894 Views

Mareykanka oo sheegay in 500 oo askari oo dheeraad ah loo diray garoonka diyaaradaha ee Kaabul

Mareykanka oo  sheegay in 500 oo askari oo dheeraad ah loo diray garoonka diyaaradaha ee Kaabul
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in 500 oo askari oo dheeraad ah loo diray garoonka diyaaradaha ee Kaabul

Ciidamada Mareykanka ayaa wali “ka shaqeynaya sidii ay dib ugu soo celi lahaayen amnigii garoonka” ka dib markii rasaas ay rideen ay waxyeello ka soo gaartay dad rayad ah gudaha garoonka diyaaradaha ee Kaabul, ayuu yiri afhayeenka Pentagoon-ka John Kirby.

Hadda waxaa garoonka diyaaradaha ku sugan 2,500 oo ciidamo Mareykan ah, iyadoo 500 oo dheeraad ah ay imaan doonaan saacadaha soo socda.

“Waxaan filaynaa in saacadaha soo socda aan awoodno inaan soo celinno howlihii hawada ee garoonka,” ayuu yiri Kirby.

Illaa iyo hadda, dhammaan duulimaadyadii ka bixi jiray iyo kuwii ka soo degi jiray gegida diyaaradaha ee Kaabul ayaa la joojiyay.

“Hadafku waa in la daadgureeyo kumanaan qof maalin kasta marka dib loo bilaabo duulimaadyada”ayuu hadalkiisa ku daray Mr Kirby.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post