1005 Views

Gudoomiyahii Soomaaliga maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) oo baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Gudoomiyahii Soomaaliga maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) oo baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.
____________________________________________________________________________

Talaado 9, 2/ 2021  Qaranimo

Gudoomiyahii Soomaaliga ahaa ee maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) C/Qawi Axmed Yuusuf ayaa baneeyay xilka kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Gudoon cusub ayaa loo dooray maxkamadda, waxaana gudoomiyaha maxkamadda loo doortay haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Joan E. Donoghue halka gudoomiye ku xigeen loo doortay garsoore u dhashay Ruushka oo la yiraahdo Kirill Gevorgian.

Haweeneyda loo dhiibay xilka ugu sarreeyay waxey maxkamadda ka mid aheyd tan iyo sanadkii 2010, halka gudoomiye ku xigeenka uu maxkamadda kusoo biiray sanadkii 2005.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ahaa gudoomiyaha maxkamadda cadaaladda adduunka (ICJ) ayaa hadda kasii mid ahaanaya maxkamadda, balse xil heyntiisa ayaa dhamaatay taasoo keentay in la doorto hogaan cusub.

Cabdulqawi wuxuu latalye dhanka sharciga ah kasoo noqday qaar ka mid ah hay’adaha ay leedahay qaramada Midoobe, wuxuuna gudoomiyaha maxkamadda ahaa tan iyo sanadkii 2018.

Maxkamadaan fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa leh 15 garsoore oo 9-kii sanaba mar isbadal lagu sameeyo, waxaana maxkamadda la aas-aasay sanadkii 1945.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post