3210 Views

Ra’iisal wasaare Khayre oo hambalyeeyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisal wasaare Khayre oo hambalyeeyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Khayre, oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhiddibada loo taagay ururkii SYL ayaa hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii munaasabaddu socotay waxa uu ubax dhigay taallada halyeeyadii dhaliyarada SYL waxa uuna xusay muhiimadda ay leedahay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

“Hambalyo ku aaddan 15-ka May oo ah Maalinta Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaan u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo udub dhexaad u ah dawladnimada iyo horumarka”, ayuu yiri Mudane Xassan Cali Khayr.

Maalinta 15-ka May waxa ay ku weyntahay diiwaanka taariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la unkay ururkii S.Y.L sanadku markuu ahaa 1943 kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xuroobi laheyd Gumeestaha, arintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960.

15-ka-may-khayre 6 15-ka-may-khayre 1 15-ka-may-khayre 2 15-ka-may-khayre 4 engineer Yariisoow 2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment