711 Views

Ciidanka Booliiska oo jirdil iyo xarig u geystay Wariyeyaal ka howlgala Baraawe

Ciidanka Booliiska oo jirdil iyo xarig u geystay Wariyeyaal ka howlgala Baraawe
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa caawa weeraray Idaacad ku taalo magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose, waxeyna Xarig iyo Jirdil u geesteen weriyaal iyo xubno kamid ah maamulka Idaacadda.

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta qaar ayaa muujinaya Ciidan hubeysan oo galay Idaacadda kadibna jirdil u geysanaya weriye katirsan Radio Baraawe, iyagoo markii dambe xiray dhowr weriye oo halkaas ku sugnaa.

Agaasimaha Idaacadda Baraawe Osman Aways Bahar iyo Guddoomiyaha Idaacadda, Fu’aad Shooble ayaa kamid ah dad ay jirdileen ciidanka, waxaana xilli dambe laga sii daayay Xabsiga, sida ay noo xaqiijiyeen dad ka agdhow.

Weli laamaha Ammaanka ee magaalada Baraawe kama aysan hadlin dhacdadan lagu weeraray Idaacadda, xarriga iyo jirdilka loo geystay wariyeyaasha warbaahinta ku hadashay Afka Barwaaniga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post