303 Views

Koox fallaago ah oo dad ku dishay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

Koox fallaago ah oo dad ku dishay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202

Fallaagada ka howlgasha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa dilay ugu yaraan 15 qof iyo sarkaal militeri xilli ay weerar ku qaadeen tuulooyin labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka Ituri, Colonel Siro Simba ayaa sheegay in fallaago xiriir la leh ADF loo maleynayo inay weerar ku qaadeen tuulada Kandoyi oo ay ku dileen 10 qof.

Halka 5 qof lagu dilay Sabtidii tuulada Bandiboli.

Haweeney kamid ah dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarka ayaa sheegtay in fallaagada ay qoorta ka gooyeen waalidiinteeda.

Khuburro ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay caddeymo ku aadan in ciidamada Rwanda ay ka barbar dagaallamayaan fallaagada M23 balse Rwanda ayaa beenisay eedeymahaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post